Ma cuntaa qaad ama qof ehelkaagu?
Dhib makugu hayaa? Ma u baahantahey talo sugan iyo daaweyn? Nala soo xiriir. Rugta Qaadka ee Rinkeby-Kista.
Rugtani waxa ka sheqeeya shaqaale aqoon weyn u leh qaadka iyo dhibaatooyinka caafimaad iyo bulsho uu u keeni karo qofka cuna iyo qoyskiisaba. Rugtani waxay u fidineysaa dadka qaadka cuna ama ehelka iyo waalidka ka walaacsan inay caruurtoodu cunaan qaadka warbixin sugan iyo daaweyn markii loo baahdo.
Qaad muxuu jahay?
Qaadka waxa ku jira laba maado oo la kala yiraahdo katin iyo katinon oo lagu sakhraamo. Labada maado waxa sii xoog badan katinoonka waxayna lamidtahay droogada amfetamiinta. Hay’adda qaramada midoobay waxay ku dartey labadan maadaba liiska mukhaadarooyinka waawayn ee aduunka. Wadamada reer galbeedka badankoogu oy ku jirto Sweden waxay ku tiriyaan qaadku inuu yahay mukhaadaraad wayna ka mamnuuceen dalalkooga.
Qaadku wuxu ka aafeeyaa qofka cuna dhinac maskaxda iyo dhinac jidhkaba. Qofkii joogto u cuna wuxu qaadku u keeni karaa ismaandhaaf, hurdo la’aan, ilka burbur, calool xanuun iyo miisaanka oo xoog u dhaca.
Sida mukhaadaraadka kale, hadaad joogto u cunto qaadka wuxu kuu keeni karaa dhaqaalahaaga oo burbura, adoo shaqeysan kari waaya iyo adoo xidhiidhka caruurtaada iyo ooridaaduba xumaado qoyskaaguna ku burburo.
Maxaan kaa caawin karnaa
Ma cuntaa qaad amaba qof kale oo ehelkaagu?
Rugta waxa jooga maalin walba kalkaaliyayaal iyo shaqaale ka tirsan kommuunka (socialsekreterare) oo diyaar u ah inay ka jawaabaan su’aalihiina. Waxa kale oo Rugta ka shaqeeya dhakhtar takhasus ku haysta cudurka dhimirka khibrad dheerna u leh isticmaalka qaadka iyo dhibaatooyoinka uu keeno.
Xarunta waxad ka heli doontaa:
• Baadhitaan caafimaad oo dhinaca maanka iyo jidhkaba ah.
• Hadaad joojisey cunitaanka qaadka, waxa lagaa caawin inaadan dib ugu noqon (återfallsprevention).
• Talo siin sugan adiga iyo ehelkaagaba
Dadka ka sheqeeya Rugta waxa waajib ku ah sugidda (tystnadsplikt) wixii wara ee adiga lagaa qorey.
Rinkey-Kistamottagningen waa xarun ka shaqeysa gargaarka dadka isticmaala khamrada badan iyo daroogooyinka. Xarunta waxa si wada jira u maareeya maamulka xaafadaha Rinkeyby iyo Kista (Stockholms stads socialtjänst) iyo Xarunta Mukhaadaraadka Stockholm (Beroendecentrum Stockholm).
Waqtiyada shaqada
Isniin-Jimca 08:00-12:00 iyo 13:00-16:00.
(Maalmaha Jimcaha saacadda 15:00 bilaha maj ilaa agosti way xidhantahey Rugtu).
Goormaad soo wici kartaa
Waxad soo wici kartaa Rugta xilliyadda kor ku xussan. Haddii lagaa qaban waayo, fadlan fariin ka teg si laguu soo woco sida ugu dhaqsaha badan.
Lambarka telefoonka Rugta
08-123 473 16 amaa 076-120 14 82
Rugtu waxay ku taalaa
Kista Gårdsväg 3
(Iridda danbe ee quriga ay
deganyihiin maamulka xaafadda Rinkeyby-Kista agagaarka Kista Centrum)
Sideed ku iman kartaa
Kista Centrum waxad ku iman
kartaa tareenka dhulka hoosmara
(T-bana) ama bas.